Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho (Sawirro)

Qarax xoogan oo ismiidaamin ah loona adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay agagaarka Isgooska Ceelgaabta gaar ahaan bar koontarool oo laga ilaaliyo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Qaraxan waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida goobjoogayaal warbaahinta u sheegeen , mana la oga ilaa hada inta uu la egyahay khasaaraha qaraxan ka dhashay.

Gaariga qarxay ayaa la sheegay in uu isku qarxiyay gaari saf ku jirtay oo kusii jeeday dhinaca Madaxtooyada Soomaaliya, mana cada ilaa hada nuuca uu ahaa gaariga qarxay maadaama uu gabi ahaan bur buray.

Qaraxan ayaa khasaaro xoogan gaarsiiyay gaadiid kala duwan iyo mootooyin xiligaasi laamiga marayay marka uu qaraxu dhacayay, waxaana halkaasi ku gubtay qaar kamid ah gaadiidkii halkaasi marayay.

Ciidamada amaanka ayaa gabi ahaan xiray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidamada warbaahinta u diideen in sawirro iyo muuqaalo ka duubaan goobta uu qaraxu ka dhacay si aan loo ogaan khasaaaha uu qaraxan reebay.

Booliiska Soomaaliya ayaana la filayaa in faah faahin dheeraad ah ka bixiyaan qaraxan nuuca uu ahaa iyo khasaaraha ka dhashay, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay ka muuqda bur bur xoogan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/s__ZVoIRnZw

Related posts

Golaha wasiiradda oo maanta ansixiyay xeer loo soo gudbiyay

Cabdi Cade

Shariif oo qabtay Shir Jaraa’id, si kululna u weeraray Xassan Shiikh

Caydiid Ali

Hakan Fidan oo Booqasho beri ku tagaya Itoobiya xilli la filayo in …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---