Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Dhismayaal si sharci daro ah looga dhistay magaalada Muqdisho oo dhulka lala simay

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa saaka gebi ahaanba burburiyey dhismayaal ku yiilay Garoonkii Kubadda Cagta kooxdii LLPP Jeenyo oo ku yaalla degmada Yaaqshiid kaasoo la sheegay in si sharcidarro ah loo dhistay.

Burburintan ayaa daba socotay ka dib markii todobaad ka hor guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu amray in dhismahaas laga guuro.

Duqa Muqdisho ayaa goobjoog ka ahaa goobta ay burburinta ka socotay waxaana uu sheegay in dhismahaas uu ahaa mid sharci darro ah ayna burburin doonaan dhismeyaasha la mid ah oo laga dhistay dhulka danta guud.

”Saaka waxaan burburinay dhismihii sharci darada ahaa ee laga dhisay garoonkii kooxda kubada cagta ee LLPP-Jeenyo, dhisme kasta oo sharci lagu dhisayna wadadan ayuu mari doonaa” ayuu yiri duqa Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamada G/Banaadir oo bilowday dhegeysiga Masuuliyiin ku eedeysan musuq

Caydiid Ali

Faroole oo ka hor yimid go’aano xalay lagu gaaray Madaxtooyada Puntland

Caydiid Ali

Fatou Bensouda hoggaamin doonta baaritaanka tacadiyada ka dhacay dalka Itoobiya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---