Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ee fadhigeedu yahay dalka Holland ayaa shaacisay xiliga kama dambeysta ah ee lagu dhawaaqayo natiijada dacwadii dhinaca Badda ee u dhaxeeysay doeladaha Soomaaliya iyo Kenya.
War qoraal ah oo soo baxay Maxkamadda ICJ ayaa lagu shaaciyay in 12-ka bisha soo socota ee October ay maxkamaddu soo saari doonto go’aankeeda Xadaynta Badda ee Badweynta Hindiya ee ku muransanaayeen dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
Madaxweynaha Maxkamada caalamiga ee Cadaalada ICJ, Garsoore Joan E. Donoghue, ayaa 3-da galabnimo ee xilliga Holland guriga Nabadda ee magaalada Hague kaga dhawaaqi doona go’aanka Maxkamadda ICJ ee dacwadii dhinaca Badda ee Somalia iyo Kenya.
Guriga Nabada ee xukunka ICJ looga dhawaaqayo waxaa goobjoog ka noqon doona Xubnaha Maxkamadda iyo wakiillada labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya , diblomaasiyiinta, warbaahinta iyo dadweynaha kala duwan ee daneenaya kiiskan.
Kiiska Dacwada badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa soo socday mudo sanado ah, waxaana la filayaa in go’aanka maxkamada ku shaacin doonto in Soomaaliya leedahay biyaha ay dowlada Kenya sheegatay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com