Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Qarax is-miidaamin ah ayaa ka dhacay waddo u dhexeysa Isbitaal Medina iyo xarunta Villa Baydhaba ee magaalada Muqdishohalkasoo ay degan yihiin saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Xoogga dalka.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxu uu fuliyey qof soo xirtay walxaha qarxa oo wadada socday, inkastoo aan la ogeyn halka uu ahaa bartilmameedka qaraxaas.

Goob joogayaal ayaa sheegay in illaa hadda khasaaraha qaraxan uu ku kooban yahay qofkii is-qarxiyey oo halkaas ku dhintay.

“24-09-2021 Abaaro 15:03 PM waxaa Qarax ismiidaamin qof naftii halliga ah isku qarxiyey inta u dhaxaysa Isbitaal Madiina iyo Villa Baydhaba, ma jiraan wax khasaare ah ee uu geystay qaraxaas, marka laga reebo qofka naftiisa haligay.” ayaa yiri Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan oo qoraal soo saaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo warbixin ka dhegeystay wafdi ka socday DF (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Nin Sabab u ahaa Dhimashada Xaaskiisa oo dacwad laga gudbiyay !!

Cabdi Cade

Burcad jarjartay qaar ka mida xarkaha isgaarsiinta dal Yurub kuyaalla

Cabdi Cade
Taboola Ads ---