Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xiisad ka taagan Dhuusamareeb & ciidamo taabacsan Ahlu suna oo soo dul dagay

Ciidamo ka amar qaata hogaanka sare ee Ahlu sufa oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa deegaanka Huurshe ee woqooyiga gobolka Galgaduud ayaa lagu soo waramayaa inay soo degeen saaka degaanka Bohol oo qiyaastii 20km Woqooyi galbeed kaga beegan caasimadda Dhuusamareeb.

Hadal haynta ugu badan ee bulshada caasimadda Galmudug ku nool ayaa maanta ah ciidankaas oo la aaminsan yahay in hadafkoodu yahay Dhuusamareeb iney ku soo duulaan.

Dadka degaanka Bohol ayaa sheegay inay arkeen ciidamo wata gaadiid dagaal oo magaalada soo degay isla markaana fariisimo ka sameestay deegaanka.

Maamulka Galmudug ayaan ka hadlin weli dhaqdhaqaaqa ciidan ee ahlu suna ka bilowday hareeraha magaalada Dhuusamareeb

Dhowaan ayey aheyd markii hogaamiyeyaasha Ahlu sunna oo kala Macalin Maxamuud iyo Shiikh Shaakir ay dib ugu laabteen degaano ka tirsan Galmudug, halkaasoo ay ka bilaabeen abaabul ciidan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in uu tartanka ka hari doono sidii Maxamed Mursal

Cabdi Cade

Mid ka mid ah Maraakiibta waaweyn ee Shidaalka qaada oo ku gubtay Badda Shiinaha (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Biden oo la hadlay Amiir Qatar ka dib caqabada soo wajahday xabad joojintii Gaza

Caydiid Ali
Taboola Ads ---