Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Puntland oo xabsi ku gurtay shacab soo dhoweyn rabay Wasiir ka tirsan Xukuumada Rooble

Ciidamada Booliska Garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa Maanta xirxiray dad doonayay inay soo dhaweeyaan Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo saaka gaaray halkaasi.

Ciidamada ayaa markii hore waxaa ay dadka ku celiyeen banaanka Garoonka, waxaana dadka la xiray ay ahaayeen kuwo doonayay inay garoonka soo galaan.

Muuqaalo la soo dbigay Baraha Bulshada ayaa muujinayay Ciidamada Puntland oo qoor qabanaya qaar kamid ah dadka soo dhaweynta ka qeyb geli lahaa, isla markaana saarayay Gaadiidka dagaal..

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan oo ay galbinayeen Gaadiid dagaal ay dadweyne kale soo dhaweeyn loogu sameeyay Magaalada dhahar ee Gobolka Sanaag.

Saraakiisha Amniga Garoowe diyaaradaha Caalamig ah ee caasimadda Garoowe ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo ku saabsan in xiisad ka dhalatay imaatinka Wasiir Jamaal.

Wasiir Jamaal oo lagu tiriyo inuu si weyn uga horjeedo Maamulka Saciid Deni ayaa dhinaca kale waxaa uu saaxiib dhow la yahay Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Xildhibaano Soomaaliyeed oo Xasaanada laga qaaday iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Madaxweyne Donlad Trump oo ku dhawaaqaya Xaalad Deg deg ah

Cabdi Cade

Madaafiic khasaare geysatay oo lagu weeraray degmada Balcad

Caydiid Ali
Taboola Ads ---