Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin: Ciidamo Kenyan ah oo lagu weeraray degaan ka tirsan gobolka J/hoose

Dagaal ayaa ka dhacay degaanka Hosingow oo ka tirsan gobolka Jubada hoose kaasoo dhexmaray ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM iyo xoogaga Al-shabaab.

Dagaalka ayaa bilowday kaddib markii sida la sheegay xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ku leeyihiin degaanka Hosingow oo hoostaga degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka degaanka Hosingow ayaa sheegaya inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena uu jiro khasaaro dagaalka kasoo gaaray labada dhinac iyo dad rayid ah.

Sidoo kale dadka degaanka waxaa ay sheegeen inay cabsi ballaaran soo wajahday intii uu dagaalka socday, maadaama ay ka baqdin qabeen inay waxyeelo kasoo gaarto hubka la isku adeegsanayey.,

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya deegaanka Hoosingow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Kenya ay degaankaas ka wadaan howlgalo culus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ingiriiska oo 5 Milyan Dollar ku taageeraya Ciidanka Xoogga dalka

Cabdi Cade

Golaha Naafada Qaranka oo ka hor yimid sharci uu ansixiey Baarlamanka Somalia (Akhriso)

Caydiid Ali

Muuqaal uu Twitterka soo galiyay Madaxweyne Trump oo lagu tilmaamay xadgudub weyn

Cabdi Cade
Taboola Ads ---