Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo baajiyay Banaan bax lagu waday in uu ka dhaco Muqdisho

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Ra’isul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble baajiyay banaan bax ay qaban qaabinayeen ehelada Ikraan Tahliil oo ka dhici lahaa Muqdisho.

Banaan baxan ayaa shalay Wasiirka amniga cusub ee Xukuumada Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur fasaxay in ay qabsadaan ehelada Ikraan Tahliil, waxa uuna uga digay ciidamada booliiska iyo Nabad Sugida in ay is hortaag ku sameeyaan banaan baxa.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa la sheegay in uu baajiyay banaan baxa si aysan uga dhalan xaalad nabad gelyo, waxa uuna ehelada Ikraan Tahliil iyo dadkii kale ee banaan baxa abaabulayay ka codsaday in dib loo dhigo banaan baxaasi.

Joojinta banaan baxan lagu dalban lahaa cadaalad u helida Ikraan Tahliil oo lagu tuhmayo in gacanta Hay’adad Nabad Sugida ku maqan tahay ayaa kusoo aadaya xili ay socdaan wadahadalo xal loogu raadinayo khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaana kasoo horjeestay in banaan bax laga dhigo magaalada Muqdisho, waxaana jirta cabsi laga muujiyay in banaan baxan la qorsheenayay in uu ka dhaco Muqdisho abuuro isku dhac iyo xasilooni daro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh oo hambalyo u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo war kulul ka soo saaray weerarkii ka dhacay Xeebta Liiso

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ahna Wasiirkii A/Dibedda Itoobiya oo iscasilay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---