Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin oo shalay magaalada Muqdisho soo gaaray ayaa durba bilaabay shirar uu la qaadanayo madaxda sare ee dalka qaarkood iyo taliyaal ciidan.
Guriga uu Fahad Ya asiin ka degan yahay Madaxtooyada Soomaaliya waxaa shir saacado badan qaatay kula yeeshay taliyaal ciidan ay ku jiraan taliyaha Booliiska Soomaaliya, ku-simaha taliyaha NISA garabka Farmaajo iyo taliyaha booliiska Gobolka Banaadir.
Sida aan xogta ku helnay Fahad Yaasiin ayaa taliyaashan uu la kulmay kala hadlay sidii loo xoojin lahaa amaanka caasimada ayna taageero ugu muujin lahaayeen, waxa uu sidoo kale kala hadlay sidii ay taageero ugu muujin lahaayeen Madaxweyne Farmaajo.
Shirkan ayaana abuuray shaki badan oo ku aadan in wali Fahad Yaasiin uu awood badan ku dhax leeyahay Hay’addaha dowlada gaar ahaan kuwa amaanka oo wali ku shaqeenaya amaradiisa .
Siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood ayaa sidoo kale shaki ka qaba in Fahad Yaasiin oo shalay kusoo laabtay magaalada Muqdisho lagana yaabo in uu abuuro khalalaaase siyaasadeed iyo mid amaanka lidi ku ah.
Taliyihii hore ee NISA oo laga gudbiyay dacwad la xariirta dilka Ikraan Tahliil ayaan wali ka hadlin kiiskaasi, waxa uuna Fahad oo ahaa ninka ugu awooda badnaa dowlada saameyn xun ku yeelatay kiiskan inkastoo uu wali is difaac ku jiro uuna garab ka heesto Farmaajo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://youtu.be/LpCppTjpCXo