Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa khudbad ka jeedin doona meertada 76-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay Villa Somalia
Farmaajo oo hadal-jeedintiisu ku aaddantahay maalinta koowaad ee Shirweynaha ayaa waxa uu kaga hadli doonaa arrimaha ay ka midyihiin:
- Geeddi socodka arrimaha doorashooyinka Soomaaliya
- Xakamaynta iyo kasoo kabashada cudurka COVID-19
- Dardar gelinta iyo dib-u-habaynta Qaramada Midoobay
- Ilaalinta degaanka iyo isbeddellada cimilada adduunka
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://youtu.be/opOcRZ6l3aU