Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa sababay in Gudoomiye Cabdi Xaashi la siiyo kursi aan lagula tartameyn?

Waxaa maanta looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho liiska musharaxiinta xubnaha aqalka sare ee ka soo jeeda Somaliland, kuwaasoo ku tartami doona illaa 11 kursi.

Kursiga koowaad waxaa ku qoran Gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi oo kaliya, mana jiraan musharaxiin kula tartamaya taasoo noqotay arrin ugub ah oo ku cusub doorashooyinka dadban ee Soomaaliya.

Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye)  Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya oo kamid ah siyaasiyiinta gobolada Waqooyi ayaa sheegay in Cabdi Xaashi maamuus ahaan loo siiyey kursigaas.

“Waxaa la waayey cid la tartanta, dadka la leh kursiga uu ku fadhiyo ee Aqalka Sare waxay go’aansadeen inaan lagula tartamin, isagana waxaa uu iska diiday in loo sameeyo musharax Malxiis ah ah” ayuu yiri Maareeye.

Haddii kursi Baarlaman loo xirayo Musharax waxaa caado ahaan jirtay in loo sameeyo Musharax Malxiis ah oo la tartama, balse kursiga Cabdi Xaashi ayaa noqday kursigii ugu horeeyey tartan la’aan qof loo magacaabay taasoo ka baxsan dhaqanka doorashooyinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/opOcRZ6l3aU

 

Related posts

Gen. Saadaq Joon oo garab ka helay Farmaajo iyo loolan adag oo ka taagan Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Guryo badan oo degnaayeen Qaxooti kasoo laabta Kenya oo ku duugmay Kismaayo

Cabdi Cade

Wiil uu dhalay Siyaasi Caan ka ah Soomaaliya oo lagu dilay Dalka Siiriya isaga oo Daacish katirsan

admin
Taboola Ads ---