Allbanaadir.com
NEWS

Guddi ka shaqeynaya bixitaanka ciidamada AMISOM oo shir ku leh Muqdisho

Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta Muqdisho shir uga furay Guddi Farsamo oo ka kala Socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika.

Guddigan ayaa wadajir uga soo shaqeyn doona diyaarinta qorshe howleed ku qotoma sidii Dowladda Soomaaliya ula wareegi lehayd Amniga Guud ee Dalka.

Waxaa uu sheegay in guddigan garabka ka socda dowladda Soomaaliya laga soo kala xulay Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga, arrimaha gudaha, arrimaha dibadda iyo xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in guddigan uu ka shaqeyn doono sidii sanadka 2022-ka ay AMISOM ammaanka dalka ugu wareejin laheyd ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Guddigaan ayaa seddaxda bilood ee soo socota soo diyaarin doona warbixin ku saabsan la wareegitaanka amniga qaranka ee ciidamada qaranka Soomaaliya, taas oo loo gudbin doono Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/opOcRZ6l3aU

 

Related posts

Villa Somalia oo shaacisay dalal shisheeye oo maalgeliyey dibed baxii maanta & Ciidamo..

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo shaacisay qalab casri ah oo lagu kordhiyey Isbitaalka Martiini

Caydiid Ali

Dayuurad ay la socdeen ciidamo Kumandos Itoobiyaan ah oo laga celiyey garoonka Kismaayo

Caydiid Ali