Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirka Amniga DF oo aqbalay dalab xasaasi ah oo kaga yimid qoyska Ikraan Tahliil

Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Maxamed Nuur ayaa xafiiskiisa kula kulmay Hooyada Ikraan Tahliil Faarax oo lagu Magacaabo Qaali Guhaad iyo xubno kale oo ka tirsan qoyska

Waxay ka wada hadleen sidii ay cadaalad u heli laheyd Ikraan Tahliil oo dhowr jeer ay sheegtay inay ku tabeyso hay’adda Nabad sugida.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa marka hore sheegay in uu murugada la qeyb sanayo qoyska Ikraan Tahliil oo ay ka maqan tahay gabadhooda, isagoo balanqaaday inuu u howlgalayo sidii cadaalada loo horkeeni lahaa shaqsiyaadka arintaas ku lugta leh.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu cudur saaranayo qoyska Ikraan Tahliil oo dhowr jeer la soo xiriiray si ay ula kulmaan, waxaana uu sheegay in wax walba oo ku saabsan kiiska Ikraan tahliil ay ka wada hadlayaan.

Wasiirka ayaa aqbalay dalab uga yimid qoyska Ikraan oo ahaa inay dhigtaan dibadbax Nabadeed oo ay ku dalbanayaan in Cadaalad loo helo Ikraan, isagoo u balan-qaaday iney amaankooda sugayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/opOcRZ6l3aU

Related posts

Farmaajo oo qaaday talaabo sii kala fogeyneysa Soomaaliya iyo Somaliland

Caydiid Ali

Itoobiya: “DF waxay ku kooban tahay Muqdisho oo kaliya”

Caydiid Ali

Wareysigii Madaxweyne Farmaajo oo lagu tilmaamay Nin kaligii garamay !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---