Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhaw lagu wareejiyay liiska musharraxiinta xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi ( Somaliland).
Rooble waxaa liiskan Musharaxiinta soo xulay una soo gudbiyay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.
Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare ee loo gudbiyay Ra’isul Wasaare Rooble waxaa ku jira Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdixaashi, Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Dubbe iyo Gudoomiyihii hore ee Maxkamada sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan.
Halkan ka Akhriso Magacyada Liiska Musharaxiinta Rooble loo gudbiyay
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://youtu.be/opOcRZ6l3aU