Waxaa socda waan waan la isugu soo dhaweenayo Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble, waxaana waan waantan wada xubno ay hormuud u yihiin Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo Madaxweynaha Galmdug .
Xubnahan waan waanta wada ayaa xalay siyaabo kala duwan ula kulmay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble, waxa ayna labada dhinac kala hadleen sida ugu macquulsan ee xal looga gaari karo khilaafkan taagan.
Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa bogaadiyay masuuliyiinta waan waanta ka dhax wada Madaxweyne Farmaajo iyo Rooble , waxa uuna xusay in rajada laga qabo Madaxweyne Farmaajo ay aad u yartahay.
Mr Warsame ayaa sheegay in qolada waan waanta wada in ay ka quusteen Madaxweyne Farmaajo ayna ku cadaadinayaan Ra’isul Wasaare Rooble in uu u tanaasulo Madaxweyne Farmaajo uu xusay in uu xagal daacinayo cadaalad u helida kiiska Ikraan Tahliil.
”Waxaa boggaadin mudan waanwaan kasta oo xiisada lagu dejinayo, waxaanse ka xumahay in qoladii waanwaanta ku jirtay ay ka soo quusteen Farmaajo oo ay Rooble ku cadaadinayaan in uu tanaasulo. Tanaasul iyo gorgortan lagama geli karo xagal daacinta caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil, iyo gabbaad siinta eedeysanayaasha kiiska, iyo in RW uu hoggaamiyo amniga iyo doorashooyinka dalka.” ayuu yiri C.raxmaan C.shakuur.
Waan waan horey looga dhax waday Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble ayaa horey u fashilmay kadib markii la sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa shuruudo adag hor dhigeen Ra’isul Wasaare Rooble.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://youtu.be/opOcRZ6l3aU