Allbanaadir.com
NEWS

Faahfaahin laga bixiyey Gal dacwadeedka muranka Badda ee Somalia u gudbisay Maxkamada ICG

Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay jawaabta gal dacwadeedka muranka Badda oo shalay ay u gudbisay maxkamadda Caalamiga ICJ ee Magaalada Hague.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb. Cali Saciid Fiqi oo gacantiisa ku geeyay gal dacwadeedka ayaa sheegay inay aheyd jawaab Soomaaliya laga sugayay kama dambeys 18-ka June 2018-ka.

Wuxuu intaas ku daray in Kenya looga fadhiyo in ay keento jawaab la mid ah mida Soomaaliya ugu dambeyn dhammaadka sanadkan bisha December 2018-ka.

“Maxkamadda hadda waxay galeysaa inay dhageysato arrimaha Soomaaliya iyo Kenya ay isku heystaan, Maxkamadda sanadkii hore waad ogeyd inay go’aan gaartay kaasoo la xiriiray in ay dhageysato kiiska, Kenya waxaa laga sugayaa December 18-keeda ee sanadkan, wixii ka dambeeya Maxkamadda ayaa go’aan ka gaari doonta.” ayuu yiri Danjire Fiqi.

Kenya ayaa sheeganeysa lahaanshiyaha dhul badeed lagu qiyaasay ilaa 100,000-KM oo ku dhaw berriga Soomaaliya, halka Somaliyana ay isla dhulkaas sheeganeyso in ay biyaheeda ka mid yihiin, waxaana Kenya ay sidoo kale diidan tahay in maxkamad lagu kala baxo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Baaq dg deg ah u diray Dowlada federaalka (Akhriso)

Cabdi Cade

Booliska Puntland oo talaabo ka qaaday Saraakiil si xun ula dhaqmay gabdho dhallinyaro ah

Caydiid Ali

Maamulka Dekadda Boosaaso oo laga wareejiyay Shirkadda P&O iyo Deni oo ka hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---