Allbanaadir.com
NEWS

Raisul Wasaare caan ah oo sheegay in laamaha amaanka dalkiisa ay yihiin argagaxiso

Ra’iisu wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa laamaha ammaanka dalkiisa ku eedeeyay inay gaystaan falal argagixiso iyagoo si sharci darro ah dadka u xira una jir dila.

Kumannaan ruux oo ay ka mid yihiin dad siyaasad u xirnaa ayaa la sii daayay, bishan horraanteediina wuxuu shaqada ka tiray taliyihii ciidammada iyo midkii sirdoonka.

Billo ka hor wax aan la filan karin ayay ahayd in qof masuul ah uu dawladda Itoobiya ku eedeeyo falal argagixiso. Balse arrintaas ayuu hadda ku dhaqaaqay ra’iisul wasaaraha.

Abiy oo baarlamaanka su’aalo ooga jawaabaya ayaa la waydiiyay sababta uu xabsiga uga sii daayay dad argagixiso lagu eedeeyay, Abiy ayaa markaas yiri yaa argagixiso ah marka ciidammadii dawladda loo adeegsanayo inay dad xilka ku sii hayaan.

Wuxuu sheegay in tuulo kaste oo dalka Itoobiya ku taalla dad lagu jir dilay qolal madawna lagu xiray iyaga oo xiran.

Sannadihii u dambeeyay hay’addaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa dawladda Itoobiya ku eedaynayay in ay gacan bir ah ku hayso mucaaradka saxaafadda xorta ahna caburinayso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ururka Xamaas oo go’aan deg deg ah ka soo saaray Maxaabiista uu gacanta ku hayo

Caydiid Ali

Ciidamada amaanka oo Muqdisho ku qab qabtay Mootooyin badan iyo Masuul ka hadlay

Cabdi Cade

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay xerada Turkisom iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---