Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble iyo Wasiirka Amniga oo la kulmay Kate Foster (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka UK ee Soomaaliya Kate Foster, iyagoona kawada hadlay arimo muhiim ah.

Kulanka dhax maray Ra’isul Wasaare Rooble iyo Kate Foster ayey uga wada hadleen xiriirka labada dal iyo habsami u socodka iyo amniga doorashooyinka dalka ka bilowday ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaruhu.

Kate Foster, ayaa amaantay howlaha uu wado Ra’isul Wasaare Rooble gaar ahaan socodsiinta doorashada, waxa ay sidoo kale walaca ka muujisay khilaafka xiligan kala dhaxeeya Madaxweynaha ay xustay in ay caqabado hor leh abuuri karaan.

Kulanka Ra’isul Wasaare Rooble la qaatay safiirka UK u joogta Soomaaliya ayaa waxa aka qeyb galay wasiirka cusub ee amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur uu dhawaan magacaabay Rooble.

Wakiilada Beesha caalamka u jooga Soomaaliya qaarkood ayaa bilaabay in kulamo la qaadanayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble iyagoona u gudbinayay walaaca ay ka qabaan khilaafka u dhaxeeya iyo caqabadaha ka dhalan kara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Yurub oo ka hadlay Ciidamada Milatariga ee wali ku sugan Xaafadaha Muqdisho

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Cadaado

admin

(Akhriso) Habraaca doorashada saddex ka mid ah kuraasta taalla Baladweyne

Caydiid Ali