Allbanaadir.com
NEWS

Khilaaf ka taagan Doorashada labo kursi oo katirsan Aqalka Sare oo Jowhar ka dhici laheyd

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in khilaaf xoogan uu ka jiro doorashada labo kursi oo katirsan Aqalka Sare oo maanta lagu waday in ay ka dhacdo magaalada Jowhar.

Doorashada labadan kursi ayaa la isku fahmi waayay in maanta dhacdo sida ana xogta ku helnay, waxaana socda dedaalo lagu doonayo in xal looga gaaro khilaafka taagan si doorashada labadan kursi u dhacdo.

Labada Kursi ee muranka xoogan ka taagan yahay ayaa lagu soo waramayaa in ay leeyihiin Beelaha Xawaadle iyo Gaaljecel, waxaana kuraastan xubnaha ku tartamaya qaarkood la sheegay in ay kala wataan Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed taa oo keentay khilaafka.

Mid kamid ah labada kursi ee buuqa ka jiro ayaa ah kii habeen kahor rabshada galiyeen Xildhibaano katirsan Hirshabelle xili cod tirinta lagu guda jiray, lamana oga go’aanka ay kursigaasi buuqa ka dhashay kasoo saari doonaan Guddiga Doorashada Hirshabelle.

Madaxda Hirshabelle ayaa faragalin toos ah ku haya doorashada Aqalka Sare ee Jowhar ka bilaabatay, waxaana la sheegay inta badan Senatarada la doortay in Xildhibaanada uu u far muuqanayay Madaxweyne Cali Guudlaawe oo gacanta ku haya inta badan Xildhibaanada .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Caqabad soo wajahday Weerarkii Israel ku qaadi laheyd Iran

Caydiid Ali

Daahir Geelle: “Dimoqraadiyada Curdanka ah ee Somalia waxay isu bedeli rabtaa keli-talisnimo”

Caydiid Ali

Shir u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo ka furmay Dhuusomareeb (Sawirro)

Cabdi Cade