Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Dayactir lagu sameynayo dhismaha 8-da Buundo oo maanta la dhagax dhigay (Sawirro)

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta dhaggax dhigay dayactirka 8-buundo oo ku yaalla inta u dhexaysa magaalada Garoowe iyo deegaanka Birta dheer.
 
Dayactirka lagu sameynayo 8-da Buundo ayaa qeyb ka ah qorshaha maamulka ku dayactirayso Wadooyinka isku xira Gobollada Puntland, waxaana Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay dhagax dhigan wasiiro katirsan maamulka Puntland.
 
Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaana kula dar daarmay Maamulka Shirkadaha dhismaha fulinaya in ay u dhisaan si wanaagsan, waxa uuna cadeeyay in lagula xisaabtami doono waxa ay bulshada u qabanayaan.
 
Puntland ayaa deegaanada maamulkaasi qaar ka fulinaya mashaariicyo kala duwan oo lagu dhisayo wadooyinka iyo kuwa lagu dhisayo xarumo caafimaad iyo kuwa waxbarasho, Puntland ayaana kaga duwan maamulada kale fulinta mashaariicaha horumarineed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo Arrin muhiim ah kala hadlay Bulshada Kismaayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Mid ka mid ah dalalka Bariga Afrika oo laga xiray baraha bulshada (Sababta)

Caydiid Ali

Cumar Filish oo dhagax dhigay waddo muhiim ah oo isku xirta Labo degmo (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---