Allbanaadir.com
NEWS

Vietnam oo Baaq muhiim ah u dirtay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble

Dowlada Vietnam ayaa ka hadashay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble, waxa ayna Vietnam labada masuul ugu baaqday in ay wada hadlaan .

Danjire Pham Hai Anh, Ku -xigeenka Wakiilka Joogtada ah ee Vietnam ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble in ay xalliyaan khilaafaadka u dhaxeeya iyaga oo wax walba ka hormariyaan danaha qaranka.

Waxa uu sheegay  Danjire Pham Hai Anh in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble  looga baahan yahay inay keenaan siyaabo lagu xallinayo khilaafaadka u dhaxeeya ayna wax waliba ka hor mariyaan danta Qaranka Soomaaliya .

Danjirahan ayaa sidoo kale tilmaamay in Madaxda Soomaaliya looga baahan yahay in aysan dhaawicin kalsoonida shacabka, waxa uunma ugu baaqay in ay guda galana qabashada doorashada lagu heshiiyay.

Dowladaha Caalamka ee ka walaacsan khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaaraha ayaa sii kordhaya, waxa ayna dowladahan dhamana ku baaqayaan in labada masuul ee khilaafka u dhaxeeyo in ay wada hadlaan ayna xaliyaan khilaafkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo balan uga baxay Qaar kamid ah Musharaxiintii uu la tartamay (Maxaa lagu balamay)

admin

Midowga Yurub oo taageero cusub u balan-qaaday ciidanka Xoogga dalka (Sawirro)

Caydiid Ali

Booliiska Muqdisho oo soo bandhigay rag Shacabka dhibaato ku hayay oo la qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---