Allbanaadir.com
NEWS

Beesha Caalamka oo Cadaadis xoogan ku heysa Farmaajo iyo Rooble Digniina u diray

Wakiilada Beesha Caalamka ee jooga Soomaaliya ayaa si weyn uga walaacsan khilaafka xoogan ee xiligan soo kala dhax galay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble .

Sida aan wararka ku helnay Wakiilada beesha caalamka ee ku sugan xerada Xalane ayaa qoraalo u diray labada masuul ee khilaafka u dhaxeeyo waxa ayna ugu baaqeen in si deg deg ah u xaliyaan khilaafka u dhaxeeya ayna joojiyaan qoraalada ay soo saaraan.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaana u sheegay Framaajo iyo Rooble in aan loo dul qaadan karin sii socoshada khilaafka u dhaxeeya, waxa ayna u sheegeen labada masuul in ay qaadanayaan go’aano kale hadii aysan khilaafka si deg deg ah loo xalin .

Sida aan wararka ku helnay wakiilada beesha Caalamka ayaa aaminsan in khilaafkan mar kale horseedayo dib u dhac ku yimaada doorashada sidoo kale uu ka dhalan karo xasilooni daro siyaasadeed iyo mid amni xili la filayay in doorashada sii socoto.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa wali ka gaabsanaya in ay qaataan go’aano adag ayna labada dhinac midkood dusha u saaraan masuuliyada khilaafka taagan, waxa ayna beesha Caalamka wali wadaa dedaalo dhax dhaxaadnimo ku saleesan.

Khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble ayaana sii adkeenaya in beesha caalamka xiligan bixiso lacagtii loogu tala galay socod siinta doorashada, lacagtan oo xukuumada Rooble waday dadaalo beesha caalamka looga qaadayo ayaa hada sii adkaanaya.

Khuburada siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in cadaadis ka yimaada beesha Caalamka lagu xalin karo khilaafka ka daray ee Farmaajo iyo Rooble u dhaxeeya ayna laga maar maan tahay in beesha caalamka labada dhinac runta u sheegaan ayna qaadana talaabooyin cad.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Dowlada Somalia oo awaamiir culus ka soo saartay Xakameynta Covid-19

Caydiid Ali

Kenya oo shaacisay in qabatay xubno la tuhmayo in ay ku lug lahaayeen Weerarkii Camp Simba

Cabdi Cade

Kumaandooska Soomaaliya oo fuliyay howlgal lagu naafeeyay Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---