Allbanaadir.com
NEWS

Villa Soomaaliya oo shaki badan ka muujisay Shirkii Dhax maray Rooble iyo Qoor Qoor

Waxaa xalay magaalada Muqdisho kulan saacado badan qaatay ku yeeshay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Qoor Qoor.

Kulankan oo qabsoomidiisa ka shaqeeyeen siyaasiyiin kasoo jeeda Galmudug ayaa ahaa mid meesha looga saarayay is faham waa soo kala dhax galay Ra’isul Wasaare Rooble iyo Madaxweynaha Galmuug oo loo arkayay mid siyaasad ahaan la safan Farmaajo.

Wararka ana heleyno ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor uusan dhax dhaxaad ka noqon Khilaafka Farmaajo iyo Rooble uuna si hoose ula saftay Madaxweyne Farmaajo taa oo ka careesiisay siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda Galmudug.

Kulankan dhax maray Rooble iyo Qoor Qoor ayaa wararku sheegayaan in la isku fahmay aadna isugu soo dhawaadeen labada masuul, waxaana Madaxweyne Qoor Qoor raali gelin ka bixiyay sida uu u dhaqmay  iyo cabshada laga keenay.

Warar hoose aan Villa Soomaaliya ka heleyno ayaa sheegaya in kulanka dhax maray Rooble iyo Qoor Qoor shaki badan ku abuuray Farmaajo iyo xulufadiisa kuwaa oo dhabar jab u arka hadii uu Qoor Qoor la safto Rooble ama dhax dhaxaad ka noqdo khilaafka jira.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku tashanayay maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle si ay u taageeraan dhaqan gelinta go’aamadiisa ay kamid aheyd awood ka qaadida Ra’isul Wasaaraha iyo arimaha doorashada maamulaan Guddiga Doorashada.

Qoor Qoor oo caadaadis badan kala kulmay siyaasiyiinta iyo waxgaradka kasoo jeeda  Galmudug ayaa bedelay go’aankiisii hore uu ku taageersanaaa Farmaajo iminkana ku shaqeenayo siyaasad dhax dhaxaad ah.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaana wada dedaalo badan oo ku doonayo in uu uga adkaado Madaxweyne Farmaajo oo khilaaf kala dhaxeeyo, waxa uuna hada Rooble ka shaqeeyay in uu fashilmo shirkii Madaxda dowlad Goboleedyada ku yeelan lahaayeen Garawe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) NISA oo baaritaan cusub ku sameysaneysa shaqaalaha heyadaha DF

Caydiid Ali

Ku dhowaad 600 arday oo sanadkan ka qelin jebiyey Jaamacadda Benaadir (Sawirro)

Caydiid Ali

Xarunta Baarlamaanka Puntland oo la iibinayo iyo Sababta keentay oo la Ogaaday !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---