Allbanaadir.com
NEWS

Shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada yeelan lahaayeen oo baaqday & Sababta keentay

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in uu baaqday shir xasaasi ahaa oo lagu waday in beri oo talaado ah magaalada Garawe uga furmo madaxda Dowlad goboleedyada dalka .

Shirkan ayaa horey loo iclaamiyay kadib kulan ay aalada Zoomka ku yeesheen madaxda dowlad goboleedyada ayaa la sheegay in looga hadli lahaa xaalada siyaasadeed ee dalka iyo hirgelinta doorashada dalka .

Sida aan wararka ku helnay shirkan baaqashadiisa ayaa la sheegay in ay ka timid Madaxweynaha Galmudug oo ka codsaday madaxda kale ee dowlad goboleedyada in shirkaasi dib loo dhiigo arimo jiro owgeed .

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo xalay kulan saacado badan qaatay la yeeshay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo khilaaf hoose u dhaxeeyay ayaa la sheegay in xaliyeen khilaafkii u dhaxeeyay iskuna soo dhawaadeen.

Shirkan Garawe ee baaqday ayaana abuuray shaki badan, waxaana shirarka dowlad Goboleedyada horey u iclaamin jiray Ra’isulk Wasaare Rooble iyadoona dad badan u qaateen in maamulada dhaqan gelinayaan qoraalkii Farmaajo ee awood dhimista Rooble.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho oo qiray in Arday badan ay isticmaalaan Taabuuga lana dagaalamaan Macalimiinta

Cabdi Cade

Dowladaha Somalia & Itoobiya oo qalinka ku duugay heshiis Is-afgarad (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xeer ilaalinta Qaranka oo war cusub ka soo saartay kiiska Haweeney dil geysatay

Caydiid Ali