Allbanaadir.com
NEWS

Imaanshaha Fahad Yaasiin ee Muqdisho oo xiisado hor leh abuuri karta

Waxaa maanta lagu waday in magaalada Muqdisho maalmo badan kadib dib ugu soo laabto taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin hadana ah lataliyaha Amniga Qaran Madaxweyne Farmaajo.

Fahad Yaasiin ayaa Muqdisho ka maqnaa tan iyo markii xilka laga qaadayay, waxaana Fahad Yaasiin iyo saraakiil kale oo katirsan Hay’adda NISA lagu tuhmayaa in ay ku lug lahaayeen dilka Ikraan Tahliil oo katirsaneyd saraakiisha NISA.

Diyaaradii uu la socday Fahad Yaasiin ayaa maanta lagu xanibay dalka Jabuuti waxaana diyaaradaasi lagu qasbay in dib ugu laabato dalka Turkiga oo markii hore kasoo duushay, waxaana rakaabkii uu ku jiro Fahad dib loogu celiyay magaalada Istanbuul.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa maanta waxaa tagay ciidamo badan oo Nabad sugid ah kuwaa oo doonayay in ay soo gelbiyaan Fahad Yaasiin marka uu Muqdisho soo gaaro balse suurto gal noqon weysay in Fahad yimaado Muqdisho.

Imaanshaha Fahad Yaasiin ee Muqdisho ayaa laga cabsi qabaa in xiisad kale oo hor leh abuurto, waxa uuna Fahad Yaasiin wali awood ku dhax leeyahay dowlada gaar ahaan Hay’adad NISA uu wali si hoose u maamulo.

Falanqeeyaasha siyaasada ayaa aaminsan in Fahad Yaasiin hadii uu Muqdisho yimaado abuuri karo xaalado kale oo siyaasadeed iyo mid amni taa oo saameyn ku yeelan karta dalka gaar ahaan amaanka iyo socodsiinta doorashada.

Dacwad ka dhan ah Fahad Yaasiin iyo saraakiil kale ayaa loo gudbiyay gudbiyay Maxkamada ciidamada , waxaana adkaan doonta in si sax ah loo qaado dacwada ragan laga gudbiyay iyaga oo wali awood badan leh taageeranaya ka helaya Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wax walbo oo suurto gal ah kuna bad baadin karo Fahad Yaasiin sameenaya, waxaana Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday laga cabsi qabaa in dalka mar kale galiyo khalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/qFHocbHcUik

Related posts

Dil dad badan ka naxeen oo ka dhacay Baladweyne iyo Ninkii geestay oo la qabtay

Cabdi Cade

Kaluumeesato Kenyan ah oo lagu qasbay in ay Cunaan Kaluun Ceyriin ah iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Puntland oo Jawaab kulul ka bixisay qoraalkii ka soo baxay Madaxtooyada Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---