Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Amaanka oo Shir Xasaasi ah ka yeelanaya Khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa saacadaha soo aadan shir xasaasi ah oo albaabada u xiran yihiin ka yeeshaan xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya gaar ahaan khilaafka xoogan ee u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble.

Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric, ayaa sheegay in golaha amaanka shir xasaasi ah oo albaabada u xiran yahay ka yeelanayaan khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble .

Waxa uu sheegay Afhayeenka Qaramada Midoobay in shirkan warbixin ku saabsan khilaafka madaxda sare ee dalka u dhaxeeya looga dhageysan doono Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

“Wadahadal niyadsami ah wuxuu ahmiyadda ugu horreysay siinayaa baahida dhammaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan in Soomaaliya loo oggolaado inay ku sii socoto wadada xassilloonida iyo dib-u habeynta” ayuu yiri afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric.

Golaha Amaanka ayaa shirkooda marka uu dhamaado la filayaa in ay kasoo saaraan War Murtiyeed , waxaana la filayaa in baaq u diraan Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaare Rooble.

Khilaafka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble ayaa meel xun gaaray, khilaafkan ayaana ka dhashay kiiska dilka Ikran Tahliil oo lagu tuhmayo saraakiil katirsan Hay’adda NISA kuwaa oo qaarkood dacwad maxkamadeed laga gudbiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/qFHocbHcUik

Related posts

War Deg Deg Ah: Ra’isul Wasaaraha Itoobiya oo goordhaw gaaray Eritrea iyo soo dhaweyn aan …

Cabdi Cade

Dadkii ugu badnaa ee qaba cudurka Coronaviris oo maanta laga diiwaan geliyey Muqdisho

Caydiid Ali

Akhriso :10- Su’aal oo adag oo Ra’isul Wasaare Kheyre lagu weediinayo Mareykanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---