Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Mashruuca Dhismaha Wadada isku xirta Jalam iyo Xarfo oo la dhagax dhigay (Sawirro)

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo safar shaqo maanta ku tegey Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal ayaa dhaggax dhigay Mashruuca dib-u-dhiska waddada isku xirta magaalada Jalam iyo degmada Xarfo.

Mashruuca dib-u-dhiska Waddada Jalam-Xarfo waxaa iska kaashanaya maamulka Puntland iyo Midowga Europe, wejiga koowaad ee la dhisaya waa 65KM taasi oo qorshuhu yahay in lagu dhameystiro muddo 8Bilood ah .

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa muujiyay muhiimada ay wadadan u leedahay isku xirka Gobolada Puntland, wuxuuna kormeeray Shirkadda dhiseysa isagoo warbixin ka dhegaystay Wasaaradda Howlaha Guud iyo Masuuliyiinta gacanta ku haynaya dhismaha wadada inta uu socdo.

 

Related posts

Dhul gariir dad badan ku dhinteen oo ku dhuftay Dalka Afgaanistan (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Saraakiil dalka Dibadiisa lagu soo barayo hubinta Dukumintiyada been abuurka ah (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Bermúdez oo telefan kula soo xiriiray dhigiisa Somalia (Maxay ka wada hadleen)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---