Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saddex Senator oo lagu doortay Jowhar & codbixintii caawa oo la soo Gebagebeeyey

Waxaa caawa lagu soo gebagebeeyey magaalada Jowhar qeybtii ugu horeysay ee doorashada xubnaha aqalka sare ee Hirshabelle oo ay ku soo baxeen 3 Senator oo Mid ka mid ah uu cusub yahay.

Kursigii ugu dambeeyey tartanka oo ay ku loolamayeen labo haween ah ayaa waxaa cod gacan taag ah ku guuleysatay Senator Fartuun C/qaadir Faarax Karaama oo ku soo laabatay kursigaas ka dib markii ay tanaasushay Sacdiya Yarrow Aadan oo aheyd musharaxii la tartamayey.

Waxaa ka horeeyey kursigii labaad oo uu ku soo baxay Musharax Nuur Maxamed Geedi (Canjeex) oo helay 70 cod ka dib markii uu ka guuleystay Senator Maxamed Cusmaan Dhega-Juun oo horey kursigaas ugu fadhiyey, balse haatan baneynaya kaasoo helay 27 cod oo kaliya.

Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa sidoo kale si Xarago leh uga guuleystay Axmed Xassan Caddow Daaci oo loolan adag la galay.

Guddoonka Baarlamanka Hirshabelle ayaa shaaciyey in kulanka caawa uu xiran yahay, berina uu jirayo kulan kale oo lagu dooranayo musharaxiin u tartameysa sadex kursi oo uu xusay in dib laga soo sheegayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dil ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Dowladda oo maanta si rasmi ah u billaawday Diiwaan gelinta Ciidanka Ahlu Sunna (Sawirro)

Cabdi Cade

Senator baaq u diray beelaha ku dagaalamaya duleedka degmada Cadale

Caydiid Ali
Taboola Ads ---