Doorashada xubnaha Aqalka Sare ku metelaya dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa goor dhow ka bilaabatay Magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Hirshabelle.
Doorashada oo lagu waday iney saaka barqadii bilaabato ayaa saacado badan dib u dhacday sababo la xiriiray ololaha musharaxiinta oo si xowli ah u socday, iyadoo lacago fara badan lakala qaatay.
Saddex ka mid ah 8da kursi ee Aqalka Sare ayaa lagu wadaa doorashadoodu saacadaha soo socda ee caawa ay ka dhacdo magaalada Jowhar, iyadoo Musharaxiinta kuraastan ay isugu jiraan kuwo hore ugu fadhiyay kursiga iyo kuwa cusub oo la tartamaya.
Kursiga koowaad waxaa ku tartamaya
- Muuse Suudi Yalaxow
- Cabdullahi Sheekh Xasan
- Axmed Xasan Cadow Daaci iyo
- Dr. Xasan Cadaay Cali.
HOOS KA DAAWO SIDA U SOCOTO DOORASHADA
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com