Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: Doorashada Xubnaha Hirshabelle ku metelaya Aqalka sare oo bilaabatay

Doorashada xubnaha Aqalka Sare ku metelaya dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa goor dhow  ka bilaabatay Magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Hirshabelle.

Doorashada oo lagu waday iney saaka barqadii bilaabato ayaa saacado badan dib u dhacday sababo la xiriiray ololaha musharaxiinta oo si xowli ah u socday, iyadoo lacago fara badan lakala qaatay.

Saddex ka mid ah 8da kursi ee Aqalka Sare ayaa ka bilaabatay magaalada Jowhar, iyadoo Musharaxiinta ay isugu jiraan kuwo hore ugu fadhiyay kursiga iyo kuwa cusub oo la tartamaya.

Kursiga koowaad waxaa ku tartamaya

  1. Muuse Suudi Yalaxow
  2. Cabdullahi Sheekh Xasan
  3. Axmed Xasan Cadow Daaci iyo
  4. Dr. Xasan Cadaay Cali.

Kursiga labaad ayaa waxaa isku haya

  1. Maxamed Cusmaan Dhega-Juun
  2. Nuur Maxamed Geedi (Canjeex)

Sidoo kale waxaa la sheegay inay maanta kursiga 3aad ku tartami doonaan.

  1. Fartuun C/qaadir Faarax
  2. Sacdiya Yarrow Aadan

Dhammaan kuraasta ayaa noqon doonaan kuwo si adag loogu tartamo iyadoo aysan jiri doonin sida filayo isu tanaasul.

LA SOCO NATIIJADA IYO WIXII KU SOO KORDHA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/6VH1wk5pG1s

Related posts

Daawo Sawirada: Wariye Maxamed Ibraahin Gaabow oo maanta lagu aasay Muqdisho

admin

Somaliland oo baaritaan culus ku sameyneysa Shirkadaha Isgaarsiinta

Caydiid Ali

Dowlad Afrikaan ah oo dalka Guinea uga digtay iney aqoonsato Somaliland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---