Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Booliska Kenya oo Meydad ka helay Webiga Tana River xili la la’yahay dad Soomaali ah

Qoysaska shakhsiyaad la la’ yahay ayaa ku qulqulaya xarunta meydadka lagu keydiyo ee ismaamulka Garissa, gobolka Waqooyi-bari Kenya, iyagoo baadi goobaya 11 meydad ah oo ay booliiska Kenya ka soo saareen Webiga Tana River.

Xarunta ayaa sheegtay in gelinka dambe ee maanta meydadkan lagu sameyn doono baaritaannada dhiigga DNA, iyadoo la sugayo inuu Nairobi ka yimaado dhaqtar boolis ah.

Booliska ayaase sheegay inay adag tahay aqoonsiga meydadka maaddaama ay qaarkood qurmeen, muuqaal ahaan uu wejigooda isbedelay.

Dadka lala yahay waxaa ka mid ah Prof. Cabduwahab Shiikh Cabdisamad oo ka tirsan aqoonyanada Soomaalida oo lagu  afduubtay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya dabayaaqadii todobaadkii hore

Koox hubeysan oo watay gaari ayaa  magaalada Nairobi ka watay maalintii Arbacada, ilaa hada nolol iyo geeri midna laguma hayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/6VH1wk5pG1s

Related posts

Al Shabaab oo goob fagaare ah ku toogatay Daa’uud Aadan Muumin

Cabdi Cade

Diblumaasi Mareykan ah oo qirtay in 40-sanno Basaas u ahaa dal Mareykanka cadaw ku ahaa

Cabdi Cade

Faahfaahin: Dagaal hub culus la isku adeegsaday oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---