Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Kulanka Ra’isul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in saacadaha soo aadan kulan xasaasi ah yeelanayaan Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha.

Kulankan ayaa ka dhacaya xarunta Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan xafiiska Ra’isul Wasaaraha, waxaana sida aan xogta ku helnay kulankan looga arinsanayaa xaalada siyaasadeed ee dalka iyo sidii loo dar dar gelin lahaa doorashada waqtigeeda dhaaftay .

Waxaa sidoo kale kulanka inta uu socdo la filayaa in labada dhinac kawada hadlaan khilaafka siyaasadeed ee taagan gaar ahaan kan u dhaxeeya Rooble iyo Farmaajo iyo sidii loo maareyn lahaa kiiska dilka Ikraan Tahliil looguna heli lahaa gabadhaasi cadaalad.

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa taageero iyo garab istaag u muujiyay Ra’isul Wasaare Rooble oo xilka ka qaaday Taliyihii Hay’adda NISA Fahad Yaasiin xiligana uu khilaaf siyaasadeed kala dhaxeeyo Farmaajo.

Ra’isul Wasaare Rooble oo bilooyin kahor lagu tilmaamayay nin u shaqeeya Farmaajo oo hirgalinaya dib u doorashadiisa ayaa markan lasoo baxay waji cusub, waxa ayna is fahmeen mucaaradkii markii hore shakiga badan ka qabay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/XAGtGPDc4gY

Related posts

Wasiir Beyle oo shaaciyey War wanaagsan oo ku saabsan deymaha Somalia lagu leeyahay

Caydiid Ali

Xuutiyiinta oo Tel aviv ka geystay weerar dhimasho sababay

Caydiid Ali

Ciidanka NISA oo qabtay gaari qaraxyo laga soo buuxiyay ninkii wadayna toogtay (Sawirro)

Cabdi Cade