Labo gabdhood oo Soomaali ah ayaa si arxan daro ah loogu dhax dilay guri kuyaala Magaalada Vienna ee dalka Austria, kadib markii uu weerar ku qaaday nin la sheegay in uu isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya.
Gabdhaha Soomaaliyeed ee la dilay oo magacyadooda lagu sheegay Shukri Axmed Abtidoon iyo Faaduma Maxamed Xirsi ayaa dilkooda waxaa ka dambeeyay nin la sheegay in uu qabay mid kamid ah gabdhaha uu dilay.
War kasoo baxay booliiska magaalada Vienna ayaa lagu sheegay in gacanta ku dhigeen ninka gacan ku dhiiglaha ah, waxa ayna booliiska xuseen in ninkan dilka u adeegsaday mindi af badan.
Soomaalida kunool dalka Austaria ayaa si weyn uga argagaxay falkan dilkan dilka ah, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in ninka dilka geestay uu cabsanaa halka warar kalana sheegayaan in ninku maseersanaa.
Booliiska Austraula ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameenayaan sababta dilkan keentay, waxa ayna ehelada gabadha la dilay booliiska ka codsadeen in si deg deg ah cadaalada loo horjeeno gacan ku dhiiglaha lana marsiiyo ciqaaabta dilka uu geestay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://youtu.be/XAGtGPDc4gY