Dagaalyahanada Taalibaan ayaa lacag aad u badan iyo Dahab ka helay guriga uu gobolka Panshjir ka degnaa Madaxweyne kuxigeenkii hore ee dalka Afganistan Amrullah Saalax oo hada sheegta in uu yahay Madaxweynaha Sharciga ee Afganistan.
Kooxda Taalibaan ayaa sheegtay in guriga uu degnaa Amrullah Saalax ka heleen lacag ku dhaway 6 milyan oo Dollar iyo ugu yaraan 15 xirmo weyn oo Dahab, waxa ay sidoo kale Taalibaan gurigaasi ka heleen alaab kale oo qaali ah iyo baabuur.
Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa laga dhax arkayay dagaalyahano katirsan Taalibaan oo dul fadhiya gacanta ku haya lacagao badan oo kaash Dollar ah iyo Dahabka ay ka heleen guriga Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Afganistan.
Taalibaan ayaa dagaal kula wareegtay gobolka Dooxada Panshjir oo dagaal kula galeen ciidamo daacad u ahaa Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Afganistan iyo Hogaamiye Axmed Mascuud kuwaa oo gobolka ka baxsaday.
Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Afganistan oo horey u iclaamiyay dagaal ka dhan ah Taalibaan ayaana warkiisa laheyn , mana jiro wax war ah oo kasoo baxay oo ku aadan lacagtan la sheegay in gurigiisa laga helay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://youtu.be/XAGtGPDc4gY