Allbanaadir.com
NEWS

Shaqaalihii ugu badnaa oo hal mar laga eryay Madaxtooyada iyo kuwa cusub oo lagu bedelay (Akhriso Cadeymo)

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa mar qura laga eryay in ka badan 70-shaqaalo oo sanado badan ka shaqeenayay qeybaha kala duwan ee Madaxtooyada , waxaana shaqaalahan lagu bedelay kuwa cusub oo qaab qabiil lagu shaqo galiyay.

Shaqaalahan laga eryay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka shaqeenayay qeybaha kala duwan ee Madaxtooyada sida Nadaafada, Cunto kariyaal iyo qeybo kale oo kamid ah Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Sida aan Wararka ku heleyno shaqaalaha laga eryay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa soo shaqeeyay xiliyo adag, waxaana hada shaqadooda lagu bedelay shaqalo cusub oo qaab beeleed lagu keenay kuna heyb ah Madaxda maamusha Madaxtooyada Soomaaliya.

Shaqaalaga laga eryay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya lagu lagu armay Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumada Soomaaliya in ay u wareejiso Wasaarado iyo Hay’adaha kale ee dowlada Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Kuxigeenka Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu amray in shaqaa;aha laga eryay xarunta Madxatooyada si deg deg ah kusoo celiyaan karaka aqoonsiga Madaxtooyada hadii kale laga qaado doono talaabo sharciga Waafaqsan.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa hada noqotay goob ay ka shaqeeyaan dad u badan Beesha Madaxeweynaha Soomaaliya, waxaana Madaxooyada laga nadiifiyay shaqaalihii kasoo shaqeeyay xiligii adkaa

 

 

Abdirahman Xuseen Mamaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in Turkigu uu xarun dayaxa laga sahmiyo ka dhisanayo Soomaaliya?

Cabdi Cade

Kulankii uu Farmaajo ka qeyb gali lahaa ee u ballansanaayeen Xildhibaanaa Golaha Shacabka oo…

Cabdi Cade

Biden oo dhibco badan looga helay dood adag oo dhexmartay Trump

Caydiid Ali
Taboola Ads ---