Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Rooble oo kulan xasaasi ah la qaatay Guddiga Doorashooyinka heer Federaal (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa la kulmay xubno ka tirsan Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT)

Guddiga ayaa warbixin ka siiyay Rooble halka ay marayaan howlaha Doorashada xubnaha aqalka sare oo heer gebogebo ah maraya, iyadoo la guda galayo dhowaan doorashadii xubnaha aqalka hoose ee Baarlamanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa  ka jawaabay codsiyo la xiriira sidii loo dardargelin lahaa howlaha doorashooyinka dalka oo ay hareeyeen khilaafaadka soo kala dhex galay madaxda sare ee dalka

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay xubno ka tirsan Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) oo warbixin ka siiyay Halka ay marayaan howlaha Doorashada, iyadoo uu Ra’iisul Wasaaruhu  ka jawaabay codsiyo la xiriira sidii loo dardargelin lahaa howlaha doorashooyinka dalka” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Rooble.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/Q8G83ItWmoQ

Related posts

Ciidamada Danab oo gacanta ku dhigay xubno katirsan Al Shabaab iyo Agab (Sawirro)

Cabdi Cade

Qarax laga maqlay magaalada Kabul xili Madaxweyne Biden Digniin soo saaray

Cabdi Cade

Midowga Afrika oo Shaaciyay in la joogo xilligii Soomaaliya laga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---