Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Farmaajo oo guddi cusub u magacaabay baaritaanka Kiiska Ikraan Tahliil (Akhriso)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaan siinaya in baaritaan daah furan lagu sameeyo Kiiska Sarkaal Ikraan Tahliil Faarax ayaa u magacaabay Guddi Qaran oo ay hoggaaminayaan Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Magacaabidan ayaa ku soo aaday, iyadoo Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ay qabatay gal dacwadeed ka dhan ah madaxda Hey’adda NISA.

Dadka falanqeeya siyaasada Somalia ayaa sheegaya in tallaabadan loo arki karo in Madaxweynaha labo ujeeddo ka leeyahay, kuwaasoo kala ah inuu Kiiska kala wareego Ra’iisul Wasaaraha iyo tan kale oo ah inuu isaga meyro eeddaha maalmahan loo jeedinayay ee ahaa inuu hortaagan yahay cadaalad u raadinta Kiiska Ikraan Tahliil.

Arritan ayaa ku soo aadeysa xili uu weli taagan yahay khilaafkii u dhexeeyey Madaxweynaha iyo Raisul Wasaaraha ee ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil iyo xilka ka qaadista taliyaha NISA Fahad Yaasiin.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA MADAXWEYNAHA IYO MAGACYADA GUDDIGA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/Q8G83ItWmoQ

Related posts

Dowlada Somalia oo shaacisay duqeyn lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab

Caydiid Ali

Askari ka baxsaday xabsi kuyaalla London oo lasoo qabtay iyo lacag la siinayo…

Cabdi Cade

Faah faahino kasoo baxaya Dil Nabadoon caan ah loogu geestay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade