Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Laftagareen oo ka tagay Muqdisho xili uu fashilmay xalinta Khilaafka Farmajo iyo Roble (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku-meel gaarka uah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Garoonka Diyaaradaha magaalada Baydhabo Wafdiga Madaxweynaha Waxaa kusoo dhoweyey labada-golle Dowlada,Maamulka Gobolka Baay,kan Degmada Baydhabo,Cutubyo kabtirsan Ciidanka ilaalada Madaxtooyada iyo Qeybaha kala duwan Bulshada Magaalada ku nool.

Madaxweyne Lafta Gareen oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ahaa dadaalo xal loogu raadinayay khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Raisul Wasaare Rooble.

Safarka Muqdisho uga baxay Laftagareen ayaa kusoo aadaya xili fashil kusoo dhamaaday dadaalo ay wadajir u wadeen Laftagareen iyo Qoor Qoor oo xal loogu raadinayay khilaafka Farmaajo iyo Rooble.

Related posts

Xogo cusub oo ku Aadan Jadwalka Doorashada Soomaaliya oo la Ogaaday

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo gudoomiyay Shir Xasaasi ah oo ka dhacay Kismaayo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Masuul katirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo goordhaw Qarax lagu dilay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---