Waxaa wali taagan khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo iyo Ra’isul Wasaaraha Xil gaarsiinta ee Rooble, waxaana guul dareestay dadaalo lagu doonayay in lagu xaliyo khilaafka labada masuul.
Sida aan wararka ku helnay khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble ayaa wali sidii hore u taagan, waxaana laga cabsi qabaa in khilaafka sii xoogeesto ayna labada dhinac qaadaan talaabooyin kale oo xaalka uga sii dari kara.
Madaxda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo labo maalin kahor ku guuleestay in ay is hor keenaan Farmaajo iyo Rooble ayaa wali wada dadaalo dheeraad ah ay ku doonayaan in xal looga gaaro khilaafka taagan.
Madaxweyne Farmaajo oo lagu eedeeyay fashilka wadahadalii socday ayaa lagu soo waramayaa in wali ku dhegan yahay in Kiiska Ikraan Tahliil laga soo celiyo maxkamada sidoo kale taliyaha Hay’adad NISA isagu soo magacaabo.
Ra’isul Wasaare Rooble ayaa ilo ku dhaw dhaw noo sheegeen in uu ka biyo diiday in uu ka tanaasulo qodobadii uu isna ku dhegnaa sida cadaalad u helida kiiska Ikraan Tahliil iyo isbadalka uu ku sameeyay Taliska NISA iyo Wasaarada Amniga.
Rooble talaabadii kale uu ku xanibay lacagaha dowlada ee Bangiga Dhaxe yaala ayaa lagu soo waramayaa in xiisad kale sii abuurtay, waxaana talaabadaasi ka carooday Farmaajo iyo masuuliyiinta kale ee ku dhaw dhaw.
Khilaafka Farmaajo iyo Rooble ayaana wali ah mid taagan oo saameyn badan ku yeeshay howlaha shaqo ee dowlada , mana muuqato ilaa hada ififaalo isku soo dhawaansho ah iyo isku tanaasul ay sameenayana labada masuul.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com