Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Saameyn ka dhalatay roob illaa xalay ka da’ayey Muqdisho & nawaaxigeeda

Roobabkii xiliga deyrta ayaa xalay ka curtay qeybo ka mid ah koonfurta Somalia oo ay ku jiraan magaalada Muqdisho iyo gobolada la deriska ah

Roobka ayaa saameyn xoogan ku yeeshay magaalada, waxaana xirmay qaar ka mid ah jidadka muhiimka ah ee caasimada ka dib biyo badan jareen.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta kormeeray qaar kamid ah goobihii uu sida gaarka ah u sameeyay Roobkii magaalada Muqdisho ka da’ay 24kii saac ee lasoo dhaafay.

Wadooyinka Caasimadda oo uu kormeerka ku tagay Guddoomiye Cumar Filish ayaa waxaa ka socday howla ay dowladda hoose Xamar Biyaha uga saareyeen goobihii uu Roobka biya dhigay si loo fududeeyo isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

“Maadaama saacadihii la soo dhaafay roobkii da’aayey uu biyo dhigay qeybo badan oo magaalada Muqdisho ka mid ah, ayaan waxaan kormeeray habka ay dowlada hoose ee Muqdisho u wado howlaha ay biyaha kaga saareyso magaalada” ayuu yiri Cumar Filish.

Shaqada biyo dhaamiska ah ee dowlada hoose ka wado magaalada ayaa aad u yar marka la eego saameynta xoogan ee ka dhalatay biyaha roobabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nooca cusub ee cudurka Coronavirus oo caalamka ku sii fidaya & walaac laga muujiyey

Caydiid Ali

Xulkee ku guuleystay kaalinta 3aad ee koobka Aduunka 2022? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Amar kasoo baxay Duqa Muqdisho oo lagu bur buriyay Dhismaha Piazza Libera (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---