Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Doorashadii ugu adkeyd oo ka dhaceysa Hirshabelle iyo Cali Guudlaawe oo ka hadlay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali C/llaahi Xuseen ayaa sheegay in berri oo Isniin ah ay Musharaxiinta u tartameysa Aqalka Sare ee Hirshabeelle jeedin doonaan Khudbadahooda Musharraxnimo,labada maalin ee xigtana  ay dhici doonto doorashada xubnaha Aqal Sare oo ay ku jiraan todoba haween ah.

Cali Guudlaawe ayaa hadalkan ka sheegay shirka Gollaha Wadatashiga Qaranka ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta kulan la qaatay Kuxigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobey Aamina Mohamed.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in doorashada Hirshabelle ay 33 Musharax ay ku tartamayaan kuwaas oo 28 ka mid ah ay qaateen shahaadada doorashada isaga intaa raaciyay sababta dib u dhac yar ku keentay Hirshabeelle in ay tahay doorashada Hirshabeelle oo ka duwan kuwa Dowlad Goboleedyada kale oo ay kuraasta la furay.

Doorashada Aqalka Sare ee Hirshabelle oo la filayo in Talaadada dhacdo, waxay noqon doonta doorashadii tartanka adkeyd uguna dhaqaalaha badneyd, marka loo eego doorashooyinkii Aqalka Sare  ee ka dhacday afarta dowlad goboleed Galmudug, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland.

Sideeda Kursi ee  waxaa inta badan ku tartami doona Musharaxiin ay kala taageerayaan Madaxweynayaashi hore Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh kuwaasoo hadda loolankooda laga dareemayo Magaalada Jowhar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/EKEA1PPcT1w

Related posts

Al-Shabaab oo War kale oo cusub ka soo saartay qaraxii lagu hoobtay ee Ex-Control

Caydiid Ali

Saciid Ciise “Ololaha musuq la dirirka wuxuu argagax gelinayaa xaaraan quuteyaasha”

Caydiid Ali

Madax kala duwan oo ka qeyb gashay Aas loo sameeyay Jeneraal Careys (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---