Xalinta khilaaf Siyaasadeed furdaaminteeda waxey leedahay mariin fudud oo lagu fuliyo. Haddii labo ka mida hogaanka sare ay awooda dalka isku qabsadaan wakhtiga kala guurka, waxaa qasab ah in midkood meesha laga saaro. Waxaa sida badan xilka u hara labadooda midka saaxada siyaasadeed gadaal ka soo galay, sidaasna waxaa ku baxa midka horgalka ah.
Horgalku wuxuu geliyaa gadaalgalka guluf rafasho oo uu isaga reebayo, wuxuuna waayo aragnimada uu dheer yahay ku maleega isku day uu ku quusinayo qibrad yarida gadaal-galka, wuxuuna soo ergeystaa dambiileyaal uu horay dembigooda u soo tabcay oo dhagar qabeyaal ah, kuwaas oo raacdareeb iyo raad tirtir wada xaajood loogu magac bixiyey loogu so xulay dhabarjebin iyo caloolquf sumcad dila.
Adduunka lama hayo hogaamiyeyaal awooda isku qabtay oo xeer jajab munaafaqeysan xilka ku sii wada jooga. Hogaamiyaha siyaasadeed ma aqbalo mariin habaabin qaawan iyo mid qarsoon oo sumcad ahaan dhaawaceysa gudashada waajibaadkiisa faraya gudashada xilkiisa. Jabka ugu weyn ee siyaasiga gadaalgalka ah waa aqbalaada wadahadalka kuwa ah xumaaga beenta ah iyo hooska horgalka.
Fuudka iyo hilibka kaad jecleysatidba waxey ka wada yimaadaan hal neef oo waxba isma dooriyaan, sidaas daradeed ama hooska horgalka la heshii ama horgalka si toosa ula heshii macnaheedu waa isku mid, waxeyna tilmaameysaa gadaalgalka inuu yahay cida lagu bartilmaameysanayo in laga qalbi meyro waxyaabaha uu u dagaalamayo ama kiciyey ismaandhaafka lagu dagaalamay.
Siyaasiga gadaalgalka ah inta uusan dagaal siyaasadeed gelin waa inuu hubsadaa inuu leeyahay qalbi adag oo aaminsan qiimaha xaqa iyo xoriyada uu Ilaahey ku karaameeyey shaqsiyada damiirka qofnimada wanaagsan iyo inuu hubsado haysashada gaashaan cududeed iyo qubaro aqooneed oo mariinka siyaasadeed oo saxda ah u jiheyntiisa kula saanqaada.
Joogitaanka Farmaajo ee Villa Soomaaliya oo xilkiisu yahay sii haye madaxweyne iyo jiritaanka Rooble uu ku joogo Villa Soomaaliya oo ah siihaye xilgaarsiin dowladeed ma ahan jagooyinkaas kuwo wadahadal lagu heshiisiin karo. Madaxweyne dhacay oo madaxa loo weyneynayo iyo madaxa xukuumada oo la madax yareynayo waxey tilmaameysaa in meeshii laga soo bilaabay geedi socodka doorashada dib loogu soo noqdo oo macnaheedu yahay Farmaajo inuu yahay madaxweyne mudo xileedkiisu kordhay oo wadanka ah madaxweynihiisa rasmiga ah oo doorashada gaarsiinaya.
Waxaa asal ahaan qalad ahayd in la aqbalo joogitaanka Farmaajo ee Villa Soomaaliya wax ka badan saddex bilood marka uu dhamaado mudo xileedkiisu, waxaana taas ka sii gef weyneed in wadahadal lala galo Lafta gareen iyo Xoor Xoor oo ah dembiileyaal gabaad ka dhiganayey Farmaajo iyo Fahad oo dhamaantood heshiis ku wada ah iney dalka ka dhacdo doorasho ay boobaan oo Farmaajo iyo Fahad ay dib xukunka dalka ugu soo celiyaan si ay mustaqbalkooda siyaasadeed uu u badbaado.
Rooble waxaa laga sugayaa ama inuu tanaasulo oo uu xilka iska casilo ama Farmaajo uu meesha ka saaro, mar haddii uu yahay dembiile cadaalada muwaadanka hortaagan. Meesha ma taalo dhexdhexaadin iyo wadaxaajood xeer jajab lagu maamulayo iyo madadaalo uu Villada ku sii joogayo Farmaajo.
Farmaajo waxaa laga sugayaa inuu villada isaga baxo, kuna quus qaato afartii sano qorshihii uu u abaabulayey iney ka shaqeeyaan Nabadsugida iyo soo saarida madaxda maamul goboleedyada isaga raacsan, taasna ay ka dhalatay in lagu dilo tiro aan yareyn oo wadaniyiin ah iyo in hamiyadaas qaldanaa ay duntey rajadoodii, loogana baahan yahay inuu iska difaaco kaalinta uu ku leeyahay eedaha culus oo ka dhacay dalka inta uu xukumayey.
Prof. Saciid Ciise MaxamuudÂ
Guddoomiyaha xisbiga Dadka ahnaÂ
Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Somalia
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia,Â
Allbanaadir@live.com
https://youtu.be/EKEA1PPcT1w