Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wadatashiga Qaran oo kulan Xasaasi ah yeeshay Xili Khilaaf jiro (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay kulan ay yeesheen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo looga hadlay dardargelinta arrimaha doorashooyinka dalka iyo bilaabista doorashada Golaha Shacabka ee BFS..

Sida aan wararka ku helnay kulankan oo madaxda qaar ee maamulada uga qeyb galeen aalada ZOOM-ka ayaa looga hadlay caqabadaha soo food saaray hirgalinta doorashada oo ka dib dhacday waqtigii horey loo qorsheeyay.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay khilaafka xoogan ee soo kala dhax galay Madaxda ugu sareyda dalka gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha iyo sidii khilaafkaasi uusan saameyn ugu yeelan laheyn hirgalinta doorashada.

Madaxda maamul goboleedyada oo shirka u dhamaa ayaa inta badan ka hadlay caqabadaha taagan ee doorashada dib u dhigay iyo sidii looga gudbi lahaa xaalada siyaasadeed ee soo korortay gaar ahaan khilaafka madaxda sare u dhaxeysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkii IGAD ee ku Saabsanaa Xaaladaha ka taagan South Sudan oo la soo Gabogabeeyay!!(Daawo Sawirada)

admin

Shiikh Aadan Madoobe oo gudoomay dhambaal ka yimid Hassan bin Abdulla (Sawirro)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday fariisimo ciidan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---