Allbanaadir.com
NEWS

Gaari lagu weeraray goob ay ka socotay Bandhig Faneed dalka Holland (Daawo Sawirada)

Gaari si xowli ah u socday ayaa la jiirsiiyay dad ku sugnaa goob ay ka socotay bandhig faneed dalka Holland, waxaana weerarkan gaariga loo adeegsaday ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo kamid ahaa dadkii daawanayay bandhig faneedka ayaa dhintay halka sadex qof oo kalana dhaawacyo kala duwan soo gaareen, waxaana dadka dhaawacmay qaarkood soo gaaray dhaawacyo culus.

Ninkii gaariga ku dhuftay dadka daawanayay bandhiga faneedka ayaa la sheegay in uu goobta ka baxsadeen isaga iyo gaarigii uu watay, booliiska ayaana ku jira baadi goob xoogan ay ku raadinayaan gaariga iyo ninka wata.

Booliiska dalka Holland wali kalama aysan cadeyn in gaarigan dadka si ula kac ah loo jiirsiiyay io in kale, waxa ayna saraakiisha booliiska sheegeen in ay wadaan baaritaano kiiskan ku aadan dibna ka shaacin doonaan natiijada baaritaankooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii u dambeeyey shilkii dayuuradeed ee Washington (Sawirro)

Caydiid Ali

Mashruuc ay ka faa’iidayaan 2 milyan oo qof oo Muqdisho lagu daah-furay

Cabdi Cade

Dowladda Soomaaliya oo qorsheyneysa in ay furto Machad lagu barto culuumta dalxiiska

Cabdi Cade
Taboola Ads ---