Shirkii lagu dhex dhexaadinayay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa oo qaatay in ka badan 10 saacadood ayaa weli ka socda Villa Somalia
Wadahadalka ayaa la isku fahmay qodobada qaar, iyadoo guddi labada dhinac ka socda loo saaray inay ka doodaan qodobada aan weli laga heshiin iyo sida loo dhigayo War Murtiyeedka la soo saarayo.
Guddiga Madaxweynaha ka socday ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaan C/shakuur Cali Mire iyo Aadan Qoryooley oo ah Wasiirka Boostada Isgaarsiinta Galmudug, halka Ra’iisul Wasaaraha ay ka socdeen Wasiirka Waxbarashada iyo Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, iyadoo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed ay dusha kala socdeen.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Allbanaadir Online u sheegay Guddiga labada dhinac ay isla fahmeen qodobada qaar, hase ahaatee qodobka ugu adag ee la isku mari waayey ayaa noqday arrinta Taliyaha NISA oo Guddiga ka socday Farmaajo dalbadeen in labada Taliye la isla bixiyo oo loo daayo Madaxweynaha inuu soo magacaabo taliye cusub.
Wararka waxay sheegayaan in Guddiga Ra’iisul Wasaaraha ka socday ay diideen arrintaas iyagoo soo jeediyay haddii labada taliye la isla bixinayo ay tahay in laga laga tala geliyo Ra’iisul Wasaaraha cida la keenayo si loogu wada qanco.
Guddiga labada dhinac ayaa arrinta ku celiyey Farmaajo iyo Rooble ka dib markii ay isku mari waayeen qodobka taliyaha NISA, waxaana mar kale isku laabtay Madaxweynaha iyo raisul wasaaraha si ay qodobkan heshiis uga gaaraan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com