Allbanaadir.com
NEWS

Laacibiin katirsan Xulka Kubada Cagta Jabuuti oo magan gelyo weediistay Dal Yurub katirsan

Sadex Ciyaartoy oo ka tirsan Xulka K/Cagta Qaranka dalka Jabuuti ayaa waxay Dowladda Faransiiska ka codsadeen Magangelyo Siyaasadeed kadib, markii ay ka hareen xubnihii kale ee Kooxdooda oo ku wajahnaa dalka Moroko, si ay ula ciyaaraan dhigooda dalka Burkino Faso.

Laacibiinta codsatay Magangelyada waxay haatan ku dhex sugan yihiin Garoonka Diyaaradaha ee ORLY oo 13 KM dhanka Koonfureed kaga toosan Caasimada dalka Faransiiska ee Paris.

Warbaahinta Faransiiska waxay magacyada Laacibiinta Jabuutiyaanka ee codsaday Magangelyada ku kala sheegeen:

1- Goolhaye Nasrudiin Abtidoon oo 27-jir ah,
2- Bilaal Axmed Xasan oo 28-jir ah iyo
3- Cumar Cilmi Abubakar oo 29-jir ah, oo Khadka Dhexe ka ciyaara, lana sheegay inuu yahay Askari ka tirsan Ciiddanka Boliska Jabuuti.

Laacibiintaasi waxay la xiriireen Urur ka shaqeeya Arrimaha Xuquuqda Aadanaha, si ay Dowladda Faransiiska kala hadlaan Codsigooda Magangelyo-doonka Siyaasadeed.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay inay Ciyaartoydaasi cabsi ka muujiyeen haddii ay Jabuuti dib ugu laabtaan, sababo la xiriirta Guuldaradii Xulka Qaranka Jabuuti ee ay dhigooda Algeria kala kulmeen Ciyaartii Khamiistii hore dhacday oo Jabuuti looga badiyey 8 Gool iyo waxba (8-0).

Dhinaca kale, Kooxda Xulka K/Cagta Qaranka dalka Jabuuti ee ay saddexda Ciyaartoy kaga hareen dalka Faransiiska waxay u ambabaxeen caasimadda dalka Morocco ee Rabat, halkaasi oo ay kula ciyaari doonaan dhigooda dalka Burkino Faso.

Xulka Jabuuti waxay haatan ciyaarayaan Tartamo ka tirsan Isreebreebka Xulalka K/Cagta ee Qaramada Afrika oo loogu diyaar garoobayo Tartanka Koobka Adduunka oo dalka Qatar lagu qaban doono sanadka soo socda ee 2022-ka.

W/Q Ustaad Nuradin

https://youtu.be/tNP208w6mXs

Related posts

Nin Cunsuri ah oo weeraray Masjidka Al Noor Islamic Center (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Joe Biden oo si kulul u dhaleeceeyay Hoggaanka maamulka Israa’iil

Cabdi Cade

Golaha Ammaanka ee QM oo ansixiyey qaraar cusub oo ku saabsan Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---