Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Biixi oo Xilalka ka qaaday Masuuliyiin badan kuwa cusubna magacaabay

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-713/092021 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumadda.

Wareegtada uu soo saaray Madaxweynaha Somaliland ayaa xilka looga qaaday masuuliyiin ay ku jiraan Gudoomiyaashii gobolada Gobolada Howd iyo Sanaag.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Ku: Axmed Cige Maxamed Geeddi;
Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Hawd

Ku: Axmed Cismaan Xasan Cilmi;
Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Sanaag

Ku: Axmed Xasan Cabdi Carwo;
Agaasimihii Guud ee Hore ee Baanka Dhexe

Ku: Maxamed Sheekh Faarax Cumar,
Guddoomiyihii Hore ee Guddida Maamulka Hay’adda Dekedaha iyo Free Zone

Ku: Abiib Xaamud Jibriil,
Xubin Hore Guddida Maamulka Sare ee DP World Berbera

Mudane,

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilkii aad hore ugu hayseen Qaranka.

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

Tir Magaca Xilka
1 Maxamed Cilmi Ahmed Maxamuud Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex

2. Maxamed Diiriye Xayd Nuur Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh.

3 Maxamed Cilmi Xuseen Axmed Guddoomiyaha Gobolka Sanaag.

4. Axmed Yaasiin Maxamed Faarax Guddoomiyaha Gobolka Hawd.

5. Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Xujaale Guddoomiyaha Gobolka Togdheer.

6. Mukhtaar Cabdi Quule Maxamuud Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe.

7. Siciid Shugri Xuseen Cali Guddoomiyaha Guddida Maamulka Hay’adda Dekedaha iyo Free Zone.

8. Axmed Xaaji Daahir Cilmi Ducaale Xubin Guddida Maamulka Sare ee DP World Berbera.

9. Jaamac Xaaji Axmed Cabdi Muuse Xubin Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

https://youtu.be/tNP208w6mXs

Related posts

Maamulka G/Banaadir oo gabay Shaqadiisa iyo shacabka Muqdisho oo isku tashaday (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladda Soomaaliya oo la guddoonsiiyay Deeq Lacageed oo dhan 50 kun oo Dollar

Cabdi Cade

Ganacsade Soomaalieed oo goordhaw lagu dilay dalka Koonfur Afrika

admin
Taboola Ads ---