Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlad weyn oo ugu deeqday 31-Milyan oo Dollar dalka Afganistan oo ay ka taliso Taalibaan.

Dowlada Shiinaha ayaa ku dhawaaqday in malaayiin dollar oo gar gaar ah ugu deeqday dalka Afganistan oo taladiisa la wareegeen kooxda Taalibaan ,kadib markii dowladii dalkaasi ka jirtay laga itaal roonaaday.

Wasaarada Arimaha Dibadda dowlada Shiinaha ayaana balan qaaday bixinta 31-Milyan oo dollar oo loogu tala galay dalka Afganistan, lacagtan ayaana loogu iibin doonaa shacabka Afganistan  cunto, sahayda cimilada qaboobaha iyo tallaallada COVID-19.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Shiinaha Wang Yi ayaa sheegay in kaalmadan ay gacan ka geysan doonto dib u dhiska dalka ay dagaalladu aafeeyeen. Wuxuu sidoo kale sheegay in Shiinuhu uu gacan ka geysan doono la dagaallanka argagixisada iyo ka ganacsiga maandooriyaha sharci darrada ah.

Dowlada Shiinaha ayaa la tilmaamaa in xiriir dhaw la leedahay kooxda Taalibaan ee la wareegtay talada Afganistan, waxa ayna Shiinaha dhawaan sheegeen inay sii wadi doonaan xiriirka ay la leeyihiin xukunka Taalibaan.

Qaar kamid ah wadamada Caalamka ayaa isha ku haya xaalka dalka Afganistan gaar ahaan sida ay u dhaqmaan kooxda Taalibaan oo horey u balan qaaday in ay soo dhiseyso dowlad wadaag ah ayna wax ka bedeli doonaan siyaasadoodii hore ee dagaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/tNP208w6mXs

Related posts

(Sawirro) Dibad-baxyo rabshado wata oo ka dhacay Itoobiya iyo dad ku dhintay

Caydiid Ali

Madaxweynaha Jubbaland oo Caawa la Kulmay Xasan Sheekh iyo Xasan Kheyre (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidanka Milateriga oo degaan cusub kala wareegay Al-Shabaab ka dib dagaal dhexmaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---