Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Wan lagu iibsaday Lacag gaareysa Labo Boqol Kun oo Doollar iyo hadal heyn ka dhalatay !!

Warbaahinta qaar iyo baraha bulshada ayaa si weyn looga hadal hayaa Neef ido ah gaar ahaan Wan lacag waali ah lagu kala iibsaday kadib markii la keenay Suuq Xaraash oo lagu iibiyo xayawaanka oo kuyaala dalka Kuwait.
Suuqa lagu iibiyo Xoolaha ee Al-Xalaal ee dalka Kuweyt ayaa waxaa lagu iibsaday Wankii ugu qiimaha sareeyey ee abid lagu iibiyo Hal Neef oo xoolo ah, wankan ayaana ahaa  nooca loo yaqaano Daba dheere.
Wankan ayaa markii suuqa la keenay lagu naadiyay lacago kala duwan waxaana ugu dambeyn wankaasi lagu iibsaday lacag dhan 60,000 oo Lacagta Diinaarka dalka Kuweyt, una dhiganta ilaa 200,000 oo Dollarka Maraykanka ($ 200,000).
 
Waxaa iibsaday wankan lagu tilmaamay kii ugu qaalisanaa neef xoolo ah Qof aan magaciisa la sheegin , mana kala cadda sababta uu Qiimahaasi ugu iibsaday Hal Neef shaqsiga iibsaday oo magaciisa la qariyay.
Baraha bulshada dalka Kuwait ayaana si weyn looga hadal hayaa wankan lacagta waalida ah lagu kala iibsaday, waxaana dad badan isweediinayaan waxa uu wankan kaga duwan yahay .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/tNP208w6mXs

Related posts

Madaxweyne Afrikaan ah oo lacag ku soo rogay qofkii doonaya inuu la kulmo (LA YAAB)

Caydiid Ali

Doorashada Kursi ay ku tartamayaan 9-Musharax oo maanta ka dhacaya Baledweyne

Cabdi Cade

Awaamiir xiliga caleemo saarka lagu xoojinayo amniga Garowe oo la soo saaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---