Allbanaadir.com
NEWS

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu afduubtay Johannesburg iyo Baadi goob loogu jiro

Wararka ka imaanaya magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in kooxo hubeesan oon heebtooda la garan afduubteen ganacsade Soomaaliyeed oo caan ka ahaa magaaladaasi .

Burcada hubeesan oo gaari nuuca raaxada wadatay ayaa rasaas ku furay ganacsade Bukhaari Cali Daahir kadibna afduub u geestay xili uu ku sugnaa xaafada Bramley Park ee magaalada Johannesburg .

Ciidamada booliiska magaalada Johannesburg oo lagu war geliyay dhacdada afduubka ayaa bilaabay howlgalo ay ku baadi goobayaan kooxda burcada ee afduubka u geesatay ganacsadahan caanka ka ahaa dalka Koonfur Afrika.

Burcada afduubka u geesatay ganacsadaha Soomaaliyeed ayaa la sheegayaa in ay ku lug leeyihiin dhalinyaro Soomaaliyeed oo la shaqeesata Burcada kuwaa oo u far muuqa ganacsatada lacagaha heesata si looga qaado madax furasho.

Ganacsato Soomaaliyeed oo siyaabo kala duwan horey loogu afduubtay magaalooyinka Cape Town iyo Johannesburg ayaa horey looga bixiyay lacago badan oo madax furasho ah taa oo kordhisay afduubka ay geesanayaan burcada hubeesan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/tNP208w6mXs

Related posts

Sayid-cali Macalin oo maanta mar kale Maxkamad kasoo muuqanaya

Cabdi Cade

Muuse Suudi oo mar kale weerar yaab leh ku qaaday Madaxweyne Farmaajo

Caydiid Ali

DF oo ka hadashay sababta loo xanibay Qaadka iyo khilaafka ka taagan (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---